Beesha Caalamka oo shaacisay mad-madow ku jira xeerka doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Beesha Caalamka ayaa war-qoraal ah ay ku shaaciyeen mowqifkooda kasoo saaray sharciga muranka xoogan dhaliyey ee doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu horeyn, waxay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin qaabka ay u socoto diyaar-garowga loogu jiro coddeyntu qorshuhu yahay in ay waddanka ka qabsoonto 2020-21.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa si cad ugu adkeystay baahida loo qabo in xeerka uu noqdo mid xeerinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda.

Kahor bayaankaan, xubno ka socda saaxiibada caalamka ayaa la kulmay dhinacyadda ay quseyso doorashada sidda guddiga doorashooyinka, labada Aqal, booliska iyo xubno kale.

Kulamadaas ayaa diirada lagu saarey in sharciga la ansixiyo kahor inta uusan dhamaan Kalfadhiga, miisaaniyadda iyo waxyaabaha suurtagelin kara in doorashadda noqoto mid la hubiyey.

Hindise sharciyeedka doorashooyinka oo ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah maamulada dalka ayaa haatan horyaala Aqalka Sare kadib markii uu kasoo gudbay Golaha Shacabka.

Daneeyeyaasha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in xal loo helo caqabado iyo qodobo uu mad-madow ku jiro oo kamid ah sharciga.

Arrimaha ay farta ku fiiqeen waxaa kamid ah; qeexitaanka degaan-doorashada, qoondada kuraaska Aqalka Sare, horumarka laga sameeyay yoolka Soomaaliya ee "qof iyo cod", qoondada soddon boqolkiiba ee haweenka, metelaad gobolka Banaadir iyo Somaliland si lamid ah qoondada howlgalada.

"Waxaan ugu baaqeynaa baarlamaanka in uu dhameystiro sharci la dhaqan-gelin karo dib-u-dhac la'aan si looga fogaado khatarta xasilooni darro siyaasadeed," ayay tibaaxeen.

Ugu dambeyntii, taageero farsamo iyo mid sharci ayay hoosta ka xariiqeen in ay diyaar la yihiin, arrintaas oo ay xuseen in ay ka dalbadeen afhayeenadda labada gole ee xeer-dejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM