Beesha Caalamka oo si taxadar leh uga hadashay xaalka dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalalka taageera Soomaaliya ee loo yaqaano Beesha Caalamka ayaa si taxadar leh waxay uga hadleen xaaladda cakiran ee waqti xaadirkan dalku ku sugan yahay.

Diblumaasiyiinta ayaa soo saarey war-saxaafadeed u muuqda in ay ku talogelayaan in ay qanciyaan dhamaan dhinacyadda ku lugta arrimaha Soomaaliya iyo is-mari-waaga doorashooyinka.

Sidda ku xusan qoraalka soo baxay Talaadada maanta ah, daneeyeyaasha ayaa doonaya in wadaxaajooyadda soo aadan diiradda lagu saarey soojeedintii guddiyada farsamada ku shiray Baydhabo.

"Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo," ayay sheegeen.

Wallow aysan soo hadal-qaadin shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo, wakiilada caalamka ayaa soo jeediyey in dowlada federaalka iyo maamulada ay joogteeyaan xiriirkooda.

Sidoo kale, waxay si aan toos ahayn ugu baaqeen in miiska wadahadalka ay kasoo muuqdaan saamileyda siyaasadeed oo ay kamid yihiin Musharaxiinta dooneysa in ay bedelaan Farmaajo.

"Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed," ayay ku dareen.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay qulqulatooyinkii ka dhacay Muqdisho todobaadkii hore, waxayna dalbadeen in dhinacyadda oo dhan " ay is-xakameeyaan"

"Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo," ayay tibaaxeen.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas".

Luuqada wada-qacinta u muuqata ee Beesha Caalamka ku adeegsatay bayaanka ayaa yimid xilli Midowga Musharaxiinta ay ku eedeeyeen qayb kamid ah diblumaasiyiinta garab-siinayaan Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM