Beesha Caalamka oo soo faragelisay xaalada Galmudug

Image
Diblumaasiyiinta oo qaab fogaan arag ah kula shiray hogaanka dowlad goboleedka ayaa baaq kasoo saarey cabsida laga qabo dagaal ka dhaca Guriceel.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa Isniinta maanta ah waxay yeesheen kulan dhanka qadka Zoom-ka, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sida ku xusan warbixinta, kulankan ayaa looga hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay Galmudug iyo sidii degdeg ah loogu soo gabagabeyn lahaa xubnaha ka haray doorashada Aqalka Sare, loona bilaabi lahaa tan Golaha Shacabka.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in qodobada shirka lagu gorfeeyay ay kamid ahayd xaaladda Guriceel iyo gulufka "dagaal ee Galmudug qorsheyneyso inay ku qaado Guriceel oo ay heystaan xooggaga Ahlusuna".

"Diblumaasiyiintu waxay ku taliyeen wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Gobolka oo xilligan saameyn ku yeesha howlaha doorashada," ayuu yiri qof si dhow ula socdey kulanka kaasoo la hadlay Garowe Online.

Axmed Macalin Fiqi ayaa iska casilay xilka wasiirka amniga Galmudug sababo la xiriira markii ay Qoorqoor "isku fahmi waayeen qaabka loo maareynayo xasaradda Ahlu Sunna".

Qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu si aan toos ahayn ugu caddeeyay in madaxweynaha Galmudug uu doorbiday in uu dagaal ku wajaho Ahlu Sunna Waljameeca.

Ahlu Sunna oo laba sano oo ay dibadjoog ka ahayd siyaasada Galmudug soo rogaal celisay ayaa qabsatay magaalada Guriceel. Talaabadan waxay ka careysiisay maamulka Qoorqoor kaasoo diidey waanwaan la bilaabay.

Wareega koowaad ee wadaxaajoodyada ayaa kusoo dhamaadey natiijo la'aan ka gedaal markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen shuruudo uu mid kasta la yimid wadahadalada, sida ay xaqiijiyeen dhexdhexaadiyeyaasha.

Fashilka dedaaladda xalka loogu goobayo xiisadan ayaa sarre u qaadey cabsida laga qabo in Galmudug ay mar kale gasho colaad taasoo carqaladeyn karta geedi-socodka doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM