Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee kasoo cusboonaadey arrimaha doorashooyinka Galmudug.

Ugu horeyn, waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin in iyaddoo la marayo heer gabagabo ah kadib bilooyin ay soo socdeen dedaalo uu yimaado is-mari-waagaas.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay kawada qeyb qaatan hanaanka dhismaha Galmudug islamarkaana ka fogaadan waxkasta oo keeni kara xasilooni darro.

"Tani waxay u baahan doontaa qaab loo wada dhan yahay, lagu abuuray wadahadal, iyo in dhamaan darafyadda ay u dabacsan yihiin," ayuu ku daray warka qoraalka ah.

Wallow ay jiraan eedeymo musuqmaasuq, saaxiibada caalamka ayaa bogaadiyey dedaalada xukuumadda ee dhaliyey dhismaha baarlamaanka iyo tanaasulka shacabka.

Madaxweyne Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo, gudoonka baarlamaanka, Ahlu Sunna, murashaxiinta iyo saamileyda ayay ku booriyeen in ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

"Daneeyeyaasha waxay ku baaqayaan in talaabooyinka harsan lagu dhameystiro tanaasul, si loo heli Galmudug oo ay ka faa'iidaan dadkeeda," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM