Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaaladda Baydhaba iyo Doorashada KG [Akhriso]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa qoraal wadajir ah kasoo saarey xaaladda cakiran ee ka taagan Baydhabo iyo rabshadaha ay dadka ku dhinteen.

Waxay tacsi tiiraanyo leh ka direen geerida xubin ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba ka socda, kuwaasoo qarxay markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhataar Roobow, kadibna loo duuliyay Muqdisho khamiistii.

"Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani'aadamnimada," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka, kaasoo aan lagu soo hadal qaadin xariga Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la raaco hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada, waxaana loogu baaqey dhinacyada inay xushmeeyaan lana shaqeeyaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

"Waxaan dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka," ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warka kasoo baxay saaxibada beesha caalamka.

Qoraalkanka waxaa soo saarey Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Madaxweyne Farmaajo wali kama uusan hadlin qalalaasaha ka taagan Baydhabo, oo dhiiga shacabka uu mas'uulka ka yahay lagu daadinayo, iyadoo dowladda uu hogaamiyo lagu eedeeyay inay ka dambeyso dhibaatada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM