Bilaabista doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo laga shiray

Image
Image
Hogaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isla qaatay sida muhiim u tahay dardargelinta shaqadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ka shiray dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11aad.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee waddanka.

"Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe," ayaa la raaciyey qoraalka.

Dhanka kale, hogaanka golaha wadatashiga qaranka ayaa shir ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya, Amniga iyo horumarka dalka la yeeshay wafdi ay hogaaminaysay Ku-xigeenka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Amina Jane Mohamed.

Madaxwayneyaasha dowladaha Puntland, Jubaland iyo HirShabelle ayaa shirka kaga qeybgalay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka maadaama aysan ku sugneyn magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Marwo Aamina oo u dhalatay waddanka Nigeria ayaa sidoo kale waxay booqatay Villa Soomaaliya halkaasoo ay kula kulantey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalka Aamina ayaa yimid xilli ay jirto xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in wadahadalada Farmaajo la furay Rooble uu ku marin-habaabinayey wafdiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM