Bill Gates oo malaayiin Doolar ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Si ay xal ugu hesho musiibada xoogan ee Ayaxa khatarta geliyay beeraha, Soomaaliya ayaa ka faa'iideysan karta 10 milyan oo Doolar oo uu bixiyey ninka ugu lacagta badan aduunka ee Bill Gates.

Isagoo soo mariyey hay'addiisa Melinda and Bill Gates Foundation, maalqabeenka ayaa lacagta ku wareejiyay Hay'adda Cunada iyo Beeraha Aduunka ee loosoo gaabiyo magaca FAO.

FAO ayaa waxay ka qeyb-qaadaneysa dedaalada caalamiga ah ee wax looga qabanayo Ayaxa ku habsaday dalaga wadamo badan.

Kaalmada Bill Gates waxaa loogu talagalay in lagu taageero ololaha wax ka qabashada duulaanka Ayaxa ee bariga qaaradda Afrika si gaar ah; Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Idaacadda afka dheer ee Capital FM ee fadhigeedu yahay Kenya ayaa tabisay in deeqda Bill Gates uu guddoomay Agaasimaha Guud ee FAO, ninka la yiraahdo Qu Dongyu.

"Waxaan u mahadcelinayaa Hay'adda Bill & Melinda Gates…deeq-bixiyeyaasha kale waxaan ku boorineynaa in ay raacaan wadadaas cajiibka ah," ayuu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey.

Hay'adda FAO ayaa mar sii horeysay dalbatay aduun dhan 70 bilyan oo Doolar si wax loogu qabto mushkiladda Ayaxa. Ka jawaabida codsiga waxay ku socotaa si xowli ah.

Duulaanka Ayaxa ee sanadkan oo lagu sheegay midkii ugu xumaa taariikhda casriga ah ayaa la xusay in uu cagta mariyey kumanaan kun oo dhul-beereed ah, waxaana laga cabsi qabaa in uu mar kale soo rogaal celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM