Bilyineer balanqaad la xiriira Coronavirus u sameeyay Soomaaliya

Image

BEJING, China – Bilyineerka Shiineeska ah ahna aas-aasaha Alibaba, Jack Ma, ayaa shaaciyey in maaskaro, qalabka tijaabada iyo dharka ka hortaga uu ugu deeqayo dalalka uu saameeyay Coronavirus ee ku yaalla Afrika.

Hay'addiisa gargaaka ayaa bixin doonta 1.1 milyan oo qalabka tijaabada ah, lix milyan oo maaskaro ah iyo 60-kun xabo oo dharka hortaga iyo gaashaanka wejiga ah, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

Hay'adaha caafimaad ee maxaliga ah ayay sheegeen in ay ku taageeri doonan tababaro online ah si ay ula dagaalamaan caabuqaas.

"Dunida kama fogaan karto cawaaqib-xumada aan lagu fekerin ee ku faafitaanka COVID-19 ee Afrika," ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Illaa iyo haatan, Afrika waxaa laga xaqiijiyey 300-kiis oo Corona ah, iyaddoo Masar ay tahay waddanka ugu badan, 110 kiis baa ka jira. 30 dal oo Soomaaliya ay kamid tahay ayuu gaarey cudurka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Ma ayaa tilmaamay in agabkaas ay ka dejinayaan caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasoo ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu korjoogteyn doonan bixinta tabarucaada.

Kaalmada uu maalqabeenka u balanqaadey dalalka ay kamid tahay Soomaaliya ee ku yaala Afrika ayaa imaaneysa xili uu taakuleyn taas lamid ah uu u sameeyay Mareykanka, Yurub iyo Jamhuuriyadda Iran.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey hal kiis oo caabuqaas faafa ah. Todoba kale oo looga shakisan yahay waxaa ku socota baaritaan, sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM