Bixitaanka ciidanka Mareykaka oo la sharaxay

Image

WASHINGTON, US – Taliska ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa si rasmi ah wuxuu ugu dhaawaqay in askartooda ay ka hayaamayaan gudaha waddanka Soomaaliya.

Stephen Townsend, taliyaha AFRICOM oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa daaha ka rogay in bixitaankooda aysan saameyn ku yeelan doonin howgaladooda ka dhanka ah kooxaha argagixisadda ah.

Townsend ayaa intaas ku daray in ciidanka la saarayo ay baaqi kusii ahaan doonan gobolka balse ma xusin waddanka loo wareejinayo.

"Joogitaankeena Soomaaliya si weyn ayaa loo dhimi doonaa balse ciidamadda Mareykanka waxay sii joogayaan gobolka waxna iskama bedeli doono taageeradda aan siino xulufadeena," ayuu yiri.

Jeneraalka ayaa xusay "talaabadan kama dhigno in bixitaan iyo soo afjirada dedaaladeena balse waa wareegitaan sii wadi doona dedaalaeena Geeska Afrika".

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo 5-tii bishaan December ku dhawaaqdey bixitaanka askarta Ameerikaanka ah ee tiradoodu tahay 700 ayaa xustey in ay u wareei doonan Kenya iyo Jabuuti.

War-saxaafadeed ay soo saartey ayay ku caddeysay in talaabadan ay salka ku hayso amar uu bixiyey madaxweyne Donald Trump isla markaana uu fuli doono horaanta sanadka nagu soo fool leh ee sanadka 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM