Biyaha Roobka oo buux dhaafiyay wadooyinka Magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Roobab xooggan ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana dhashay in ay xirmaan waddooyinka muhiimka ah iyo in biyaha roobka ay gudaha u galaan guryaha.

Muuqaalo la soo galiyay Baraha Bulshada ayaa muujinayay sare u kaca heerka biyaha qaar ka mid ah waddooyinka, iyadoo dadka qaarna ay bilaabeen inay ku dabaashaan biyahaas.

Biyaha roobka ayaa sidoo kale gudaha u galay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana ay sababeen in gabi ahaanba la xiro qeybo ka mid ah garoonka.

Roobabkan ayaa laga cabsi qabaa in uu halis geliyaan shacabka ku nool caasimadda, maadaama dadka deegaanka aysan u dulqaadan karin fatahaado saameeya ganacsigooda iyo noloshooda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay inuu biyaha ka saaro waddooyinka xiran ee Daalo, Soddon-ka, iyo wadada isku xirta Bakaaraha ilaa dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM