Bogga Facebook-ga ee taliyaha ciidanka xoogga oo la jabsadey

Image
Taliska milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyey dhacdadan ayaa la xiriiray burcad uusan magacaabin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciwaanka gaarka ah ee barta Facebook-ga uu ku leeyahay taliyaha milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raagge, ayaa la jabsadey, sida ay xaqiijisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wakaaladda wararka qaranka ee SONNA oo soo xiganeysa taliska ciidamadda xoogga dalka ayaa ku warantey in burcad aysan magacaabin ay la wareegeen maamulka ciwaankan.

Sida laga soo xigtey warbixinta, taliska ciidamadda xoogga Soomaaliyeed wuxuu ku howlan yahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa ciwaanka waxaana ka shaqeynaya khuburo kala duwan.

"Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu Dhammaan Bulshada soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawa Yusuf Rage," ayay tiri SONNA.

Warbixinta waxay raacisay: "Hadaba wuxuu Talisku kaaga digayaa in aan lagu kadsoomin farriimo ama waxyaaba kale oo ay suuragal tahay in ay kaaga imaan kara burcadda jabsatay".

"Talisku wuxuu hadda Gacanta ku hayaa sidii uu dib ugu soo celinlahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, insha Allah marka dib loosoo celiyana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa," ayaa lagu soo xiray.

Saacadihii horey ee maanta ayay ahayd markii ay soo ifbaxdey in loo dhacay page-ka Facebook-ga ee taliye Odowaa Yuusuf Raagge waxaana lagu faafiyey muuqaal live ah oo la tuhunsan yahay in burcadda soo gelisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM