Boliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay nin dilay 8-jir oo adeer u ahaa

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo hasysto dilka wiil 8-jir ah oo uu adeer u ahaa, ka dib howlgal ay ka sameeyeen degmada Xamarjabab ee gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Boliiska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Xamar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab”

Eedeysanaha falka lagu tuhmay ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo la horgeyn doona Maxkamadda awooda u leh.

Dhacdadan ugub-ka ah ayaa maalmahan si weyn looga hadal haayay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, taasoo argagax ku beertay qoysas badan oo degmadaasi ku dhaqan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM