Booliiska Soomaaliya oo muddo todobaad ah u qabtay dad degan dhul ay dowladdu leedahay

Image
Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa ka codsaday dadkaas in ay guuraan.

Muqdisho, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa siiyay bulshada degan dhul ay dowladdu leedahay oo ku yaal gobolka Banaadir gaar ahaan ka soo horjeeda daarta Say-Biyaano ilaa maalinta Arbacada si ay u baneeyaan dhulkaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Taliska Booliska iyo dadka deegaanka ayaa ku heshiiyay in la siiyo muddo laba isbuuc ah oo ku ekeyd maalintii shaqaadadu ay dhacaysay, dadka guryaha degan ee ku haray waxaa la gaarsiiyey in taliska ciidanka Booliska uu siiyey laba isbuuc oo kale.”

Afhayeenka ayaa intaas ku daray: “Isbuuc wuu dhammaaday waxaa soo haray hal isbuuc oo ku ek maalinta Arbacada ee soo socota.”

Afhayeenka ayaa ka codsaday dadka wali ku sugan dhulka Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliska in ay ugu guuraan muddadii loo cayimaday in ay ku guuraan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM