Booliska oo lagu wareejiyay Amniga Muqdisho iyo Safiiro la magacaabay

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Shirkii Khamiis laha ee Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saarey go'aano xilli ay jiaraan caqabado badan oo amniga ugu horeeyo.

- Amniga -

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Ducaalle Islow ayaa Gollaha horageeyay qoraal uu ugu wareejiyay amniga caasimadda dalka ciidamadda Booliska Soomaaliya.

Qoraalka waxaa ku xusnaa in la farayo Taliyaha ciidamadda Booliska inuu si deg deg u howlgeliyo Guutadda 14-ka October, kuwaasoo amaanka caasimadda guud ahaan la wareegay.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhanka kale la faray in ciidamada cusub ee nabad-gelyadda Muqdisho loo xil-saarey inay u diyaarsano bil walba mushaarkooda iyo xuquuqdooda kale.

- Safiiro cusub -

Sida ku cad qodobadda kasoo baxay shirka Gollaha, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo bandhigay magacaabida saddex safiir oo cusub, kuwaasoo dowladda u magacawday dalal aanan la shaacin wali magacyadooda.

Safiiradda cusub ayaa waxay kala yihiin; Maxamed Axmed Nuur [Tarsan] Cabdiraxmaan Odowaa, Cabdirisaaq Axmed Sheekh Maxamed Shoolle iyo Cabdullaahi Maxamed Odawaa.

Tarsan ayaa la sheegay in loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Odowaa oo isla loo wado Sacuudiga iyo Shoolle oo lagu soo waramayo in loo dirayo dalka Qadar.

- Qodobada kale -

Inta uu socday shirka, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wuxuu soo bandhigay qaraar uu ku codsanayo in lagu xoojiyo dib u dhiska dalka, kaasoo cod aqbalbiyad ah lagu meel-mariyay.

Shirkii arrimaha Soomaaliya ee Brussuls ayaa sidoo kale kulanka looga hadlay, xili Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka uu Golluhu uga warbixiyay, isagoo cadeeyay inay kasoo baxeen qodobo muhiim ah.

Wuxuu tilmaamay in Beesha Caalamka inta uu socday kulankaan ay ugu deeqeen dowladda Hal bilyan oo Dollar, taasoo uu tilmaamay inay si toos ah ugu soo dhaceyso Qasnadda dowladda.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad-celiyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo dul-qaateen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM