Booliska oo mar 3-aad amray in laga guuro dhulka Dab-damiska ee Muqdisho

Image
Booliiska Soomaaliya ayaa u qabtay dadka deegaankaasi ku sugan 3 todobaad oo kale.

Muqdisho, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii saddexaad ku wargeliyay shacabka ku nool dhulka Dab-Damiska ee xaafadda Seey-biyaano ee magaalada Muqdisho in ay ka guuraan dhulka dowladda.

Shacabka dhulkaasi ku sugan ayaa 2-jeer oo sii horreysay gaashaanka ku dhuftay go’aankii ay dowladda soo saartay, iyagoo ku adkeystay inaysan ka guuri doonin dhulkii ay sanado badan ku noolaayeen.

Shaqsiyaadkan oo qaarkood la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa aaminsan in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, waxaana ay xuseen in aan loo kala eexan dadka ku nool dhulalka ay dowladdu leedahay.

Wararka ayaa sheegaya in taliska booliiska uu diyaariyay ciidamo gaar ah oo si xoog ah ku gali doona dhulka dab-damiska, si dadka weli ku haray looga saaro, xilli loo qabtay 3 todobaad oo kale.

Shababka dan yarta u badan ee ku sugan deegaankaasi ayaa ku andhacoonaya in aysan haysan dhaqaale ay ku guuran, iyaga oo ka codsaday siyaasiyiinta ku matala dowladda inay arrintan soo farageliyaan.

Dhawaan ayuu Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ku dhawaaqay in aan la aqbali doonin in dadka rayidka ah laga barakiciyo dhulkooda, iyadoo aan amar maxkamadeed la soo taagin.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dhiig badan uu daadan doono hadii dowlada ay sii wado qorshaheeda ah in si xoog ah dhulka looga saaro dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM