Booliska oo mar 3-aad amray in laga guuro dhulka Dab-damiska ee Muqdisho

Image
Booliiska Soomaaliya ayaa u qabtay dadka deegaankaasi ku sugan 3 todobaad oo kale.

Muqdisho, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii saddexaad ku wargeliyay shacabka ku nool dhulka Dab-Damiska ee xaafadda Seey-biyaano ee magaalada Muqdisho in ay ka guuraan dhulka dowladda.

Shacabka dhulkaasi ku sugan ayaa 2-jeer oo sii horreysay gaashaanka ku dhuftay go’aankii ay dowladda soo saartay, iyagoo ku adkeystay inaysan ka guuri doonin dhulkii ay sanado badan ku noolaayeen.

Shaqsiyaadkan oo qaarkood la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa aaminsan in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, waxaana ay xuseen in aan loo kala eexan dadka ku nool dhulalka ay dowladdu leedahay.

Wararka ayaa sheegaya in taliska booliiska uu diyaariyay ciidamo gaar ah oo si xoog ah ku gali doona dhulka dab-damiska, si dadka weli ku haray looga saaro, xilli loo qabtay 3 todobaad oo kale.

Shababka dan yarta u badan ee ku sugan deegaankaasi ayaa ku andhacoonaya in aysan haysan dhaqaale ay ku guuran, iyaga oo ka codsaday siyaasiyiinta ku matala dowladda inay arrintan soo farageliyaan.

Dhawaan ayuu Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ku dhawaaqay in aan la aqbali doonin in dadka rayidka ah laga barakiciyo dhulkooda, iyadoo aan amar maxkamadeed la soo taagin.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dhiig badan uu daadan doono hadii dowlada ay sii wado qorshaheeda ah in si xoog ah dhulka looga saaro dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM