Booliska oo shaaciyey khasaaraha weerarkii Pearl Beach Hotel

Image
Todoba dabley ayaa lagu waramay in ay fulisay falkan kuwaas ay kamid ahaayeen is-miidaamiyeyaal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in sagaal qof ay ku nafwaayeen (lix shacab ah iyo saddex askari) weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen Pearl Beach Hotel ee magaalada Muqdisho.

Sidda ku xusan bayaankan ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka, todoba dabley ayaa fulisay falkan kuwaas ay kamid ahaayeen is-miidaamiyeyaal.

"Alle mahadii waxaa lasoo badbaadiyey 84 qof shacab ah," ayaa la raaciyey qoraalka oo aan lagu xusin haddii baaritaan dheeri ah la sameyn doono kaasoo lagu ogaanayo sidda ku fulay weerarka.

Dad raadinaya ehelkooda oo markii ugu dambeysay joogay Pearl Beach Hotel oo xalay ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku galeen ayaa ku sugan afaafka dhismahan. Illaa saddex meyd horleh ayaa saaka laga helay goobta.

Weerarkan waa falkii saddexaad ee liddiga ku ah amniga ee illaa hadda bishan June, 2023 ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib qarax kale oo galaaftey afar askari kuna dhaawacmeen 8 ruux kale.

Hotel Pearl Beach ayaa waxa uu noqonaya hotel-kii shanaad ee maleyshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah ku beegsadaan wixii ka dambeeyay 15-kii May, 2022-dii oo dib loo doortey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si lamid ah, waa weerarkii todobaad oo toos ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku galaan goobo isugu jira xarumo dowladeed iyo mehrado ganacsi guud ahaan magaalooyinka Soomaaliya kadib 15-kii May, 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM