Booliska oo sharaxay sababta loo joojiyey shaqada hay'adda CIA-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in la joojiyey adeegyadii ay bixin jirtay hay'adda dambi baarista ee CID-da ee xarunteedu tahay Muqdisho.

Sakiya Xuseen Axmed, Taliye ku xigeenka bileyska, oo aanan soo bandhigin sababta dhabta ah, ayaa shaacisay in talaabadan ay ka dambeysay ka gedaal cabasho uga timid shacabka.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Twitter-ka ayaa waxay ku shaacisay in shaqo joojintan ay ku kooban tahay muddo saddex maalmood kadibna dib u howl-bilaabi doonto.

CID-da oo dhismaheeda uu ku yaalo agagaarka isgoyska KM ee magaalada caasimadda ah ayaa waxay bixisaa warqadda muujineysa in muwaadinku yahay mid aanan wax dambi ah gelin.

"Muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la'aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno," ayey tiri.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo fadeexad badan ay hareysay hay'addan oo ku aadan in shaqaalaha iyo mas'uuliyiinta ka howlgala ay lacago laaluush ah ka qaataan muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM