Booliska oo soo afjaray weerarkii Hotel Afrik ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska booliska Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii Al-Shabaab ay ku ekeysay Hotel Afrik ee ku yaala wadada muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Afhayeenka bileyska Sadiiq Doodishe oo afaafka huteelka ugu waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in dableyda ka dambeysay weerarka ay ahaayeen afar – kuwaas oo uu kamid yahay mid isku qarxiyey banaanka dhismaha.

Mr Doodishe ayaa intaas ku daray in sagaal ruux oo ay ku jiraan afarta dabley oo saddex kamid ah uu tibaaxay in ciidamadda ay toogasho ku khaarijiyeen.

Dadka la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkaan waxaa kamid ah Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, wasiirkii hore ee difaaca iyo taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga. Marxuumka wuxuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey falkaas.

"Dhaawaca waa tobaneeyo," ayuu tibaaxay, isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyeeladda ay intaas kasii badan karto maadaama ay jiraan dad kale oo loola cararay isbitaaladda magaaladda oo wali aan tafaasiil dheeraad ah bixin.

Inkasta oo uu caddeeyay in dadka dhintay badankooda ay shacab ahaayeen, afhayeenka masoo bandhigin waxyeeladda dhanka askarta ee howlgalkaas.

"Fahfaahinta aan idin siineyno waa mid horudhac ah. Maadaama korontada maqan tahay, warbixinta oo dhameystiran dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa," ayuu saqdii dhexe ee Axadii uu afhayeenka u sheegay saxaafadda.

Weerarka huteelka oo yimid xilli saacado kahor inta uusan dhicin ay jireen digniino ku aadan in Al-Shabaab ay magaalo ka fulin karto qaraxyo ayaa kusoo hagaagay iyadda oo dhismaha uu shir uga socdey odayaasha beesha Hawiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM