Booliska Soomaaliya oo adeeg muhiim ah ka hirgeliyay safaaradda Kenya

Image
Bixinta adeegan ayaa si rasmi ah u bilaaban doonto maalinta Isniinta ah 11 March 2024.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen in adeega warqada dembi la'aanta iyo mida asluub wanaaga laga heli karo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyay dadweynaha in bixinta adeegan ay si rasmi ah u bilaaban doonto maalinta Isniinta ah 11 March 2024.

"Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha  Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan," ayaa lagu yiri bayaanka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeega warqada dembi la'aanta iyo mida asluub wanaaga, laga bilaabo maalinta isniinta ah 11 March 2024.

Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in mudo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda. 

Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha  Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan.

Wixii cabasho ah oo la xariira helista adeega wax lagu soo hagaajin karaa safaarada ama emailka Hoggaanka Baarista cidsomalia@cid.gov.so


GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM