Booliska Soomaaliya oo difaacay howlgalka “la dirirka anshax xumadda”

Image
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu caddeeyay in ay sii wadayaan howlgaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa fahfaahiyay howlgalada hadalheynta dhaliyey ee baraha bulshadda maalmihii lasoo dhaafay.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ujeedada howlgaladan ay tahay ilaalinta anshaxa bulshadda iyo ka hortagga wax walba oo ka hor-imaanaya dhaqanka suuban.

“Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada, waa inaan aamisanahay in Asaluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan, kalana shaqeeyaan Booliska sidii loo suuli lahaa falalka anshax-darrada ah.”

Warkaan, ayaa ku soo daaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhalinyaro baraha bulshada ku faafi jirtay aflagaado, anshax-xumo iyo kicin dadweyne, waxaana ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo caawa lagu xiray saldhigga degmada Hodan, kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM