Booliska Soomaaliya oo difaacay howlgalka “la dirirka anshax xumadda”

Image
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu caddeeyay in ay sii wadayaan howlgaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa fahfaahiyay howlgalada hadalheynta dhaliyey ee baraha bulshadda maalmihii lasoo dhaafay.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ujeedada howlgaladan ay tahay ilaalinta anshaxa bulshadda iyo ka hortagga wax walba oo ka hor-imaanaya dhaqanka suuban.

“Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada, waa inaan aamisanahay in Asaluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan, kalana shaqeeyaan Booliska sidii loo suuli lahaa falalka anshax-darrada ah.”

Warkaan, ayaa ku soo daaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhalinyaro baraha bulshada ku faafi jirtay aflagaado, anshax-xumo iyo kicin dadweyne, waxaana ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo caawa lagu xiray saldhigga degmada Hodan, kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM