Booliska Soomaaliya oo digniin u diray dad dagan dhul dan guud ah

Image
Mudadaas uu talisku sheegay ayaa waxay ku egtahay labo bilood oo loo qabtay shacabkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xasuusiyey dadka wali dagan daarta dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska ee kasoo horjeeda daarta Say-Biyaano in ay ku guuraan illaa 25 Jan 2024.

Mudadaas uu talisku sheegay ayaa waxay ku egtahay labo bilood oo loo qabtay shacabkan wallow aanan la siinin meel ay badal ka dhigtaan si ay ugu guuraan ama dagaan uga dhigtaan.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu caddeeyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo aan u hogaansamin amarka laamah aammaanka.

"Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu ku xasuusinayaa Ummadda Soomaaliyeed ee dagan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska ee ka soo horjeeda daarta Say-Biyaano (6 Piano) kuna dhagan Siliga Amerikanka ilaa Isbitaal Banaadir, in waqtii loo qabtay uu gabagabo yahay 25 Jan 2024 ay ku egtahay mudadii 2 bilood ahayd ee loo qabtay," ayaa lagu bilaabay qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Hadaba, cidii ka dhaga adeygta, markii la gaaro waqtiga loo qabtay, waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan".

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda goobaha ay dowladdu leedahay ay wali dagan yihiin dad shacab ah kuwaas oo dhulkaas maciin-biday maadaama aysan awood u lahayn in ay iska bixiyaan kirada guriyaha caadiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM