Booliska Soomaaliya oo hub ka dhigis ku sameeyay beelo ku dagaalamay G/ Shabeellaha Dhaxe

Image

CADALE, Soomaaliya - Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qeyb ka mid ah Darawiishta Booliska Soomaaliyeed geysay degmada Cadale, halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceen colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah.

Ciidamada oo ka jawaabaya dagaalka ayaa ku guuleystay in ay hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Sidoo kale, waxaa goobta soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Taliyaha Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Mire ayaa horkaciyay ciidamada deegaanadaasi la geeyay, wuxuuna goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in hub lagu dhex qaato deegaanka, wuxuuna dadka ugu baaqay inay si nabad ah ku wada noolaadaan.

“Cid kasta oo ku xad gudubta xabad joojinta isla markaana carqaladeysa dadaallada nabadeed tallaabo adag ayaa laga qaadi doona” ayuu sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM