Booliska Soomaaliya oo hub ka dhigis ku sameeyay beelo ku dagaalamay G/ Shabeellaha Dhaxe

Image

CADALE, Soomaaliya - Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qeyb ka mid ah Darawiishta Booliska Soomaaliyeed geysay degmada Cadale, halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceen colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah.

Ciidamada oo ka jawaabaya dagaalka ayaa ku guuleystay in ay hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Sidoo kale, waxaa goobta soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Taliyaha Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Mire ayaa horkaciyay ciidamada deegaanadaasi la geeyay, wuxuuna goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in hub lagu dhex qaato deegaanka, wuxuuna dadka ugu baaqay inay si nabad ah ku wada noolaadaan.

“Cid kasta oo ku xad gudubta xabad joojinta isla markaana carqaladeysa dadaallada nabadeed tallaabo adag ayaa laga qaadi doona” ayuu sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM