Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay eedeysaneyaal

Image
Eedeysanayaashaan ayaa waxa ay isugu jiraan milkiileyaal iyo farsamayaqaano.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta loogu soo dhigey eedeysanayaal xili ay gacan kula jireen sameynta Calaamada A iyo B ee Mooto bajaajka taas oo baalmarsan sharciga 

Ciidanka Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa Maanta ay taariikhda Tahay 09-05-2024 abaaro 1845hrs  Ama 0645pm. Ay Howl-gal ka sameeyeen Degmada Dharkeenlay Gaar ahaan Waaxda 2.aad  Waxay Gacanta Kusoo Dhigeen   5 Eedeysane oo ku guda Jirey Buufin Mootooyin Sharcidaro ah  iyo  Garaash Lagu Buufiyo Moota bajaajta Sharciga waa faqsaneyn .   .

Eedeysanayaashaas oo kala ah:

1: Maxamed Xasan Xuseen Ina  Xaawo Ibraahin Cabdi 50 jir ah 

2: Max’ed Deeq  Axmad Cabdi  Ina Canab  Cali Maxamed 23 jir ah 

3: Cabdiqani Maxamed Xasan Ina Maryan C/laahi Cabdi 28 jir ah

4: Xuseen Deeq Maxamed Ina  Xaliimo Xasan Nuur 17 jir ah 

5: Ibraahin C/Qaadir Maxamed Ina  Ijaabo C/casiis C/dulle 24 jir ah 

Sidoo kale Eedeysanayaashaan ayaa Kala Wareejiyo Taargada Moota bajaajta ayagoo 1 Taarga u isticmaala Dhowr Mooto Bajaaj .waxaana Goobtaas laga soo Helay taargooyin Tira badan 

Eedeysanayaashaan ayaa isugu jira milkiilaha Garaashka, farsamayaqaanada buufinta iyo milkilayaasha mootooyinka labuufinaayey.

Sida ay cadeeyeeen Shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah  waxay mootooyinka u kala wareejinjireen Calaamadaha Dowlada Hoose si  Sharciga Baal marsan. Wali Waxaa kusocda  Baaris Marka ay idlaatana Waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM