Booliska Soomaaliya oo soo qabtay shabakad dil u geysatay Askari

Image
Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay shabakad ka koobneyd 4 dhalinyaro ah oo dilay Marxuum Xasan Cabdiqaadir Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidamka Xoogga Dalka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo dabagal ku sameeyay falkan waxa ay gacanta ku dhigeen Shabakaddaan iyaga oo sida Labo Bastoolad oo lagu dilay marxuumka.

Qoraal ka soo baxay Booliiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Caddeymahan gacanta lagu haayo isla markaana lala wadaagi doono maxkamadda markii la horgeeyo.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley, waxaana iska kaashaday soo qabashada afarta qof ciidamada Nabad Suggida, Booliska Militariga iyo Booliska Soomaaliya.

Falalkan noocaan ayaa ku soo badanaya Nawaaxiga magaalada Muqdisho, oo looga cabanaaayo amni xumo xilli ay kooxda AS si joogta ah uga fuliso weeraro lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM