Booliska Somalia oo su'aal ka keenay xog ay faafisay Qaramada Midoobay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa su'aal ka keenay xaqiiqada macluumaad ay ammaanka wadanka ka faafisay Qaramada Midoobay gaar ahaan weerarada ay fulisay Al-Shabaab.

Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali, afhayeenka bileyska oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Universal, ayaa ku adkeystay in xogtaas ay tahay mid la buun-buuniyey oo aan xaqiiqada ku saleysneyn.

"Xogta uu sheegayo qofka aan shaqada ku jirin waxay abuureysaa tuhun ah qaabka loo rumeysan karo, waxaana haboon in wax laga waydiiyo qofka shaqada ku jira," ayuu kaga falceliyey markii xogtaas la hor-dhigay xilli uu ka qeybgalayey dood lagu gorfeeyay ammaanka Muqdisho.

Mr Cali ayaa ku guuldareystay in uu soo bandhigo xog-uruurin uu sheegtay in ay dhankooda ka sameeyeen dhacdooyinka amni darro ee argagixisada ka sameysay Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii António Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, uu golaha ammaanka la wadaagay warbixin uu kusoo hadal-qaadey amniga iyo weerarada Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, saddexdii sano ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa guud ahaan Soomaaliya ka geysatay 1,591 falal amni darro ah, oo isugu jira qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro.

Saddexdaas sano waxay dhacdooyinkaas u kala dhaceen; 2017 – 413 fal dambiyeed; 2018-19 waxaa la diiwaan-geliyey 740 falal amni daro; 2020 oo aan ku jirno waxaa lasoo wariyey 438 oo fal dambiyeedyo.

"Sarre u kaca weerarada argagixisada Soomaaliya waa 32%, halka kaliya gobolka Banaadir uu kororka yahay 36%," ayuu yiri Guterres.

Qiimeynta Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa burineysa sheegashooyinka dowladda waqtiga kasii dhacayo oo ah in ay wax badan ka qabatay nabad-gelyadda Muqdisho iyo la dagaalanka xoogaga hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM