Booliska Soomaaliya oo xiray wariye ka tirsan idaacadda Goobjoog

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in Talaadada maanta ay xabsi u taxaabeen wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye, sidda ay xaqiijisay xaruntiisa.

Ma cadda sababta loo xiray Gurbiye oo la tilmaamay in su'aallo lagu waydiinayo saldhiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gurbiye ayaa ah agaasime ku xigeenka Shirkadda Warbaahinta Goobjoog oo ka kooban; idaacado, telefishin iyo mareegyo.

Sidoo kale, sidda ay ku warantay xaruntiisa, waxa uu yahay tirfaftiraha guud ee website-ka maxaliga ah ee Goobjoog News.

Laamaha ammaanka ayaa nan wali fahfaahin buuxda ka bixin xariga lagula kacay saxafiga. Xiriiro lala sameeyay kama jawaabin.

Goobjoog Media Group ayaa safka hore kaga jirta warbaahinada gudaha Soomaaliya ee si xoogan u baahiya wararka liddiga ku ah dowladda Farmaajo tan iyo markii la doortay sanadkii 2017-kii.

Xariga Gurbiye ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii uu bartiisa gaarka ah ee Facebook uu ku baahiyey in madaxweyne Farmaajo uu "qaatay" qalabka neefashada dadka uu haleelo Coronavirus.

Ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa, balse dad badan oo ka falceliyey qoraalkiisa ayaa arrintaas waydiiyey.

Wasaarada Caafimaadka federaalka ah ayaa waxay shaaca ka dhigtay in dalka lasoo gaarsiiyey qalabkaas, waxayna tilmaamtay in loogu deeqay Isbitaal Martiini oo loo asteeyay in uu noqdo xarunta karantiilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM