Booliska Soomaaliya oo xusaya sanad-guuradii 74aad

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah, 20-ka December u dabaal-degaya sanad-guurada 74aad ee aas-aaskiisa oo ahayd 1943.

Xuska munaasabadan ayaa waxay ka dhacaysaa qeybo badan oo kamid ah dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay si looga hortago weeraro Al Shabaab inta lagu guda jiro dabaal-degga.

Ra'iisul Wasaare Khayre, wasiirro iyo mas'uuliyiin sare oo kamid ah dowladda Federaalka ayaa ka qeybgalaya xaflad ka dhacaysa xarunta Jeneraal Kaahiye oo lix maalmood kahor uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo 18 Boolis ah ay ku dhinteen.

Taliyaha KMG ah ee Booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in ciidamada ay soo mareen marxalado kala duwan intii uu dalka kusoo jiray burburka, islamarkaana waxa uu ku booriyay ciidanka inay labo jibaaraan dedaalkooda lagu soo celinayo nabadda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxaamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyay ciidamada taasi oo ku aadan munaasabada xuska 20-ka Maarso, isagoo la filayo inuu diirada ku saaro khudbadiisa arrimaha amaanka wadanka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kamid ah hay'adaha amniga ee saameeyay dagaalladii sokeeye ee dalka, balse hadda kasoo kabanaya burburkii soo gaaray, iyadoo dowlado iyo hay'ado shisheeye ka caawinayaan dib u dhiskooda iyo mushaaraadkooda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM