Covid19 oo haleelay 247 askari kuna sugan bada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadar ahaan 247 badmaax oo saarnaa markabka ay ka duulaan diyaaradaha Kuuriyada Koofureed ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa laga helay nooca cusub ee Coronavirus, sida ay warisay wakaalada wararka ee Yonhap.

Wakaaladda ayaa faafisay warbixintan iyadoo soo xiganeysa Ururka Isbahaysiga Shaqaalaha ee Qaranka, taasoo ka dhigeysa faafitaankii ugu xumaa abid ee soo mara ciidamadda difaaca South Korea.

Sida ku xusan macluumaadka, 179-ka xubnood oo dheeriga ah oo saarnaa markabka Munmu the Great ayaa laga helay cudurka kadib markii 68 la xaqiijiyay in uu ku dhacay ilaa iyo Axadii.

Taliska ayaa markii ugu horreysay wuxuu soo sheegay lix xaaladood oo COVID-19 haleelay Asbuucii la soo dhaafay taasoo horseeday in baaritaano lagu sameeyay dhamaan askarta kale.

Natiijadda baaritaanka 301 askar ee cutubku kamid ah ayaa muujineysa in 247 laga helay fayruska, 50-ka kalana laga waayey. "Afar qof ayaa la adkaatay in la ogaado xaaladooda," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay milatariga Kuuriyada Koonfureed.

"Midkoodna ciidamadda lama tallaalin markii ay ka baxeen Kuuriyada Koonfureed ka hor inta uusan waddanku bilaabin ololaha tallaalka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka oo lala wadaagay saxaafada.

Qaar ka mid ah ciidamadda markabka ee xaaladoodu culus tahay ayaa lagu daaweynayaa isbitaalada maxaliga ah, halka kuwa kale oo qaba astaamo fudud ama aan lahayn astaamo la galiyay markabka, sida lagu sheegay warbixin hore.

Markabka ayaa qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee Gacanka Cadmeed ee nawaaxiga xeebaha Soomaaliya iyo agagaarka Marinka Hormuz. South Korea ayaa laba markab u soo dirtey bariga Afrika ay u soo daabulaan askarta qaadey fayruska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM