Boqortooyada Sacuudiga oo balanqaad horleh u sameysay Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyey deyntii.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudiga ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM