Britain oo caddeysay mowqifkeeda doorashada Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowladda Ingiriiska oo caddeysay mowqifkeeda cod-bixinta maamulka Kismaayo ayaa shaacisay in ay dooneyso in doorashada Jubbaland ay ku qabsoonto farogelin la’aan.

Ben Fender, safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya, kaasi oo Sabtidii tegay magaalada Kismaayo, ayaa la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe.

"Doorashada soo socota ee Jubbaland waxaanu dooneynaa in ay ku dhacdo si waafaqsan nidaamka dimoqraadiyadda," ayuu yiri.

Mr Fender oo soo qaaday is-marin-waaga dowlada iyo maamulada qaarkood ayaa rajo ka muujiyay in mustaqbalka dhow xal laga gaaro.

"Madaxweynaha waxaan kaloo kawada hadalnay caqabadaha siyaasadeed ee jira, kuwaasi oo xalkooda aan qayb ka nahay," ayuu daba dhigay.

Madaxtooyada Soomaaliya, oo taageereysay qaar kamida murashaxiinta, ayaa xusul-duub ugu jirta sidii ay guuldaro dusha ugu saarin lahayd Axmed Madoobe.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in Axmed Madoobe uu ku war-geliyey danjiraha iyo xukuumada ay mas'uuliyada qaadeyso dhib kasta oo Kismaayo ka dhaca.

Doorashada Jubbaland ayaa loo balansan yahay in la qabto bisha Agoosto ee sanadkan xili ay dib u dhacday soo xulista Xildhibaanada oo la filayo in dhowaan laga bilaabo degaanada maamulkaasi.

Dib u dhaca ayaa waxaa keenay markii qaar kamida tartameyaasha xilka madaxweynaha iyo Odayaasha ay kasoo horjeesteen qodob xeerinaya in Guddiga Doorashada uu kala saarayo Xildhibaanada beelaha soo xushaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM

Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Gollaha Mustaqbalka

Maadaama uu soo dhow yahay dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo u baahan heshiis.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:44AM