​Bukhaari oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Aqalka Sare

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorasho aad u adkayd oo ay ku tartameen murashaxiin dhowr ayaa islamarkaan gaartay ilaa saddex wareeg ayaa markii dambe waxay guushu raacday Musharax Abshir Mukhaari oo loo yaqaan Bukhaari.

Murashaxan ayaa helay codad gaaray 30, halka mudanaha kale ee wareegga saddexaad kula tartamay ee Axmed Cabdi Dhuxuloow uu helay 22 cod.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Aqalka Sare, ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana la sheegay inuu yahay Guddomiyaha koowaad mudane Bukhaari oo kamid ahaa dhalinyaradii golahaas ku matalay maamulka Galmudug.

Waxaa hadda la aadayTukashada Salaada Duhur iyo Qado, waxaana la soo laaban doonaa 02:00 duhurnimo xilligaas oo bilaaban doonta Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, oo ay ku tartamayaan ilaa 7 Musharax, kuwaas oo kala ah;Hodan Maxamuud Cusmaan.

Osmaan Axmed Maxcow

Iftiin Xasan Baasto

Fartuun Cabdulqaadir Faarax

Sacdiyo Xasan Cusmaan

Mowliid Xuseen Guuleed

Cabdikaafi Macalin Xasan.

Waa markii ugu horaysay taariikhda Somalia ka dhacdo doorashada guddoonka Aqalka sare oo hadda la yagleelay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM