Burcad-Badeed hore oo Qalalaase abuuray

Image

GAROWE, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku geeriyooday dhawr kalena waa ay ku dhaawacmeen kedib Qalalaase ka dhashay Rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ee PMPF oo ilaalinayay Youteber, Kabtan Ayuub gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Kabtan Ayuub oo haatan dagan dalka Jarmalka ayaa ahaa Hormuudka Burcad Badeedii afduubka u geysatay Markabka, MV-Iceburg 1 kaasi oo ku gooshayay calanka dalka Panama isla markaana ay Afduubteen 29 March 2010.

Baaritaanadu waxay cadeeyeen in Ayuub uu masuul ka ahaa Is-dilka mid kamid ah la haystayaashii Markabka saarnaa, Wagdi Akram 27 October 2010 kaasi oo Badda isku tuuray markii uu adkaysan waayay ciqaabta isaga iyo saaxiibadiis.

Markabkaas ayaa ahaa kii ugu wakhtiga dheeraa ee lagu haystay xeebaha Soomaaliya iyada oo 23 Dec 2012 ay soo furteen ciidamada Badda Puntland.

Xiligaasi, wuxuu ka cararay Cadaaladda iyada oo Garowe Online ogaatay in Maxkamad ay ku xukuntay Dil Toogasho ah isaga oo maqan.

Mudada uu dagan yahay Jarmalka ayuu Dhaqaale kaga qaataa madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ah sii dhamaanayo, Siciid Deni in uu aflagaadeeyo dadka ka aragtida duwan isla markaana uu Dacaayado u abuuro Isku daygiisa maroorsiga xukunka iyo laalida hanaankii Beelaha ee Heshiiska lagu ahaa.

Maanta oo uu Garowe soo gaaray Ciidamadii ilaalada u ahaa ee ka tirsan kuwa Badda Puntland iyo ciidamada Deegaanka ayaa isku dhacay iyada oo wararku sheegayaan in Dadka deegaanku ka caraysan Aflagaadaynta Dhaqanka iyo Waxgaradka Bulshada.

Maalmihii Colaada SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayuu kusoo caan-baxay isaga oo ka hadlayay dhibaatadii Laascaanood balse wuxuu ku dhinac waday suuq-geyn uu u samaynayay madaxweynaha Xil-hayntiisu sii dhamaanayso.

Deni ayaa u muuqda mid u isticmaalaya Burcad-Badeedkii hore kicinta iyada oo taasi laga digay in Qalalaase ka dhasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM