Burcad-Badeed hore oo Qalalaase abuuray

Image

GAROWE, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku geeriyooday dhawr kalena waa ay ku dhaawacmeen kedib Qalalaase ka dhashay Rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ee PMPF oo ilaalinayay Youteber, Kabtan Ayuub gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Kabtan Ayuub oo haatan dagan dalka Jarmalka ayaa ahaa Hormuudka Burcad Badeedii afduubka u geysatay Markabka, MV-Iceburg 1 kaasi oo ku gooshayay calanka dalka Panama isla markaana ay Afduubteen 29 March 2010.

Baaritaanadu waxay cadeeyeen in Ayuub uu masuul ka ahaa Is-dilka mid kamid ah la haystayaashii Markabka saarnaa, Wagdi Akram 27 October 2010 kaasi oo Badda isku tuuray markii uu adkaysan waayay ciqaabta isaga iyo saaxiibadiis.

Markabkaas ayaa ahaa kii ugu wakhtiga dheeraa ee lagu haystay xeebaha Soomaaliya iyada oo 23 Dec 2012 ay soo furteen ciidamada Badda Puntland.

Xiligaasi, wuxuu ka cararay Cadaaladda iyada oo Garowe Online ogaatay in Maxkamad ay ku xukuntay Dil Toogasho ah isaga oo maqan.

Mudada uu dagan yahay Jarmalka ayuu Dhaqaale kaga qaataa madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ah sii dhamaanayo, Siciid Deni in uu aflagaadeeyo dadka ka aragtida duwan isla markaana uu Dacaayado u abuuro Isku daygiisa maroorsiga xukunka iyo laalida hanaankii Beelaha ee Heshiiska lagu ahaa.

Maanta oo uu Garowe soo gaaray Ciidamadii ilaalada u ahaa ee ka tirsan kuwa Badda Puntland iyo ciidamada Deegaanka ayaa isku dhacay iyada oo wararku sheegayaan in Dadka deegaanku ka caraysan Aflagaadaynta Dhaqanka iyo Waxgaradka Bulshada.

Maalmihii Colaada SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayuu kusoo caan-baxay isaga oo ka hadlayay dhibaatadii Laascaanood balse wuxuu ku dhinac waday suuq-geyn uu u samaynayay madaxweynaha Xil-hayntiisu sii dhamaanayso.

Deni ayaa u muuqda mid u isticmaalaya Burcad-Badeedkii hore kicinta iyada oo taasi laga digay in Qalalaase ka dhasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM