"Burcad-badeed markab ku weerartay" xeebaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox lagu sheegay burcad-badeed ayaa ku qabsatay markab xeebta Soomaaliya, Ururka Ganacsiga Badaha ee UK ayaa Jimcihii ku qoray barta uu ku leeyahay internet-ka.

Weerarkan ayaa wuxuu yimid kadib bilo xasilooni ka jirtay gobolka, oo u nugulaa dhacdooyinka noocaas ah sannadihii hore kuwaasoo sababay in ay yimaadaan maraakiib dalal shisheeye.

"Weerarka ayaa laga soo wariyey meel qiyaastii 100 mayl -badeed (185 km) waqooyi -bari ka xigta Muqdisho," ayaa lagu yiri warbixinta, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay warbixinta ayaa xustay in dhacdadani ay tahay mid mas'uuliyiinta Soomaaliya ku abuuri karta welwel hor leh oo ku saabsan amniga xeebteeda.

Ku dhowaad muddo labadii sano ee lasoo dhaafay, xeebaha Soomaaliya waxaa ka jiray xasilooni ka dib markii la kordhiyay korjoogteynta, taasoo kor u qaaday dhaqaalaha dalka.

Booliiska badda ayaa si feejignaan leh u joogay xeebta. Sannadkii 2017 -kii, burcad -badeeddu waxay qafaasheen markab laga leeyahay Hindiya ka hor inta aysan sidaas ku samayn markab Irish ah.

Tani waxay horseeday kor-u-qaadista amniga ee xeebta oo ay qeyb ka yihiin maraakiibta qaar kamid ah dowladaha ugu tunka weyn aduunka. Tirro shufta badeed iyo madaxdooda ayaana la qabtey.

Sannadkii hore, burcad-badeedda Soomaalidu waxay sii daayeen saddex qof oo u dhashay Iiraan oo ay haysteen muddo shan sano ah, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka badda, iyadoo ay soo baxayaan warar is-khilaafsan haddii markab kale la qabsaday kaddib saddex sano oo afduub ah.

Saddexda qof ee Iiraaniyiinta ah ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee saarnaa markabka kalluumeysiga Iiraan ee FV Siraj, kaasoo ay burcadbadeeddu afduubteen 22 -kii Maarso, 2015 -ka.

Sii-dayntan ayaa lagu sifeeyay inay calaamad u noqon karto dhammaadkii xilligii burcad-badeedda Soomaaliya oo qafaashay in ka badan 2,300 oo shaqaale ah intii u dhexeysay 2010 ilaa iyo 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM