Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab laga leeyahay dalka Yamen

Image
Burcad-badeednimada ayaa mar kale ka soo cusboonaatay dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Burcad badeedda ayaa mar kale ku soo laabtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay la wareegeen Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yamen laguna magacaabo “Emerat-2”, waana dhacdadii afaraad ee bishan.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo markii ugu dambeysay lagu arkay biyaha Soomaaliya ayaa la waayay.

Ilaa iyo haaatan ma cadda inta qof ee saarnayd doontan, balse Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) ayaa badinayo suutagalnimada in la afduubtay.

Ururka ayaa warinaya in markabka laga afduubtay meel 8 Mayl u jira degmada Eyl ee gobolka Nugaal, waxaana laga cabsi qabaa in lagu isticmaalo weeraro ay burcadku u gaysanayaan maraakiibta ganacsi.

Burcad-badeednimada ayaa mar kale ka soo cusboonaatay dalka, inkastoo ay dunidu dadaal ugu jirto sidii loo dhimi lahaa falalka noocaasi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM