Burcadbadeed weerar ku qaaday Markab laga leeyahay Singaboor

Image

Markab ku gooshayay calanka dalka Singabuur ayaa lagu weeraray biyaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Markabkan oo lagu magacaabo MT Leopard Sun, ayaa shalay waxaa weerar ku qaaday koox hubaysan ah oo wadatay labo doonyood oo ah nooca dheereeya.

MT Leopard Sun, oo waday Kiimiko ayaa kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan isagoo ku sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika.

Muddo 20 daqiiqo ah ayaa burcad-daas iyo Ilaalada Markabku is-weydaarsanayeen Rasaas xoogan, sida saraakiishu sheegeen.

Weerarkan oo Shalay ka dhacay meel 160 nautical miles (Cabbir badeedka ) u jirta Xeebaha Soomaaliya ayaanan geysan wax khasaara ah oo soo kala gaadhay Labada dhinac.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas.

Sidoo kale faah faahin dheeraad ah lagama hayo xaalka Markabka la weerary.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Burcad-badeed Soomaali ah isku dayaan sannadkan 2018 iyadoo weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay bishii November ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM