Burundi oo ka hadashay askar badan oo looga dilay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay Axadda maanta ah in weerar ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka AMISOM lala eegtay qaraxyo dhimasho sababay.

Sarkaal sarre oo ka tirsan xoogaga dalkaasi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 12 askari looga khaarijiyey qarax kolanyo ay la socdeen lagula eegtay gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Ciidanka waxaa la beegsaday iyaga oo howlgal kasoo laabtey kana yimid Jowhar kuna sii jeedey Muqdisho," ayuu yiri sarkaalka oo magaciisa u qariyey sababo la xiriir amniga.

Ururka AlShabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaasi oo todobaadkan ka dhacay duleedka degmadda Balcad.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in burbur uu soo gaarey gaari nooca gaashaaman oo ay wateen ciidanka ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.

"Qaraxa aad buu u cuslaa. Kadib, waxaa xigtay iska hor-imaad dhex-maray dabley iyo ciidanka, halkaasi oo dad wada marayey ay wax ku noqdeen," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar ayaa kamid ah kuwa ugu khatarta badan ee Soomaaliya, waxaana aalaaba sidaan oo kale lagu beegsadaa ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM