Buruuj oo si casri ah u dhistay Jidka isku xira Isgoysyada Bakaaraha iyo Black Sea [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta xariga laga jaray Wadada Kacaanka (Cirtoogte) ee isku xirta Bakaaraha iyo Isgooyska Black Sea ee dhexmarta Cirtoogte, ee magaaladda Muqdisho.

Jidkan oo mudo 30 sano ah burbursaneyd, oo aan dadka iyo gaadiidkuna isticmaali jirin, ayaa hada ay suurtagashay in dib loo dhiso, iyadoo dadweynaha ay ku farxeen inay markale dib u Isticmaalaan.

Waxaa wadada dhisay shirkadda dhismaha Buruuj oo ah shirkad Soomaaliyeed, oo fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaana maalgaliyay maamulka gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Jidkan oo loo dhisay qaab casri ah oo waliba loo sameeyay astaamaha iyo waxyaabaha lagu yaqaano wadooyinka caalamiga ah, ayaa si rasmi ah xariga looga jaray maanta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ku amaanay shaqada adag oo ay qabatay Buruuj, wuxuuna sheegay in la sugaayay mudo dheer hadana laga miro dhaliyay.

Madaxda shirkadda Buruuj ayaa goobta ka sheegay in xirfadlayaal Soomaaliyeed ay mashruucaan bud-dhig u ahaayeen, kuwaasoo qeyb ka qaatey inay hirgesho howshan muhiimka u ah shacabka.

Shirkadda Buruuj ayaa aad loogu amaaney dhismooyinkeeda casriga ah, oo qeyb lixaad leh ka qaatey dib usoo celinta quruxda dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM