Buundadii Baardheere oo u go’day biyaha fatahaadaha

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Biyihii ku soo fatahay magaalada Baardheere ayaa sababay in maanta go’do buundadii magaalada oo halbowla u aheed isku socodka degmooyinka gobolka Gedo.

Buundada ayaa xamili kari weyday baaxada biyaha webiga ee ku fatahay magaalada iyo guud ahaan gobolka intiisa kale.

Dadka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa waxaa soo food saartay xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fatahaada wabiga, iyadoo dad badan oo rayid ah ay ku xaniban yihiin magaalada.

Hay'ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay in laba doonyood la gaarsiiyo dadkaasi go’doonsan, iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ay ku baaqeen in gurmad la gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM