Cabdi Xaashi: Lama heshiinin ee waa naloo heshiiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa Khamiista maanta ah waxay warbaahinta kula hadleen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Xubnaha shirka jaraa’id kasoo muuqdey ayaa waxaa kamid ah Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], wasiirkii hore ee warfaafinta iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Cabdi Xaashi oo kamid ah qodobo ay kamid yihiin go’aanada kasoo baxay shirkii guddiga farsamadda ee Baydhabo ayaa sheegay in aysana aqoonsaneyn maadaama aysan jirin cid ku meteshay.

"Waxaa la leeyahay waxaa laga heshiiyey saddexdii arrimood ee madaxweyneyaasha ku heshiin waayeen shirarkii hore ka qeybgalay. Su'aasheydu waxay tahay shirkaa [Baydhabo] yaa ku heshiiyey? Dabeecadaha shirarkii madaxweyne Farmaajo qaban jiray bay leedahay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waa intii oo wasiiro loo bedelay cid kale oo tagtay ma jirto. Marka aan si gaar ah uga hadlo Somaliland - dowlad ahaanna uguma jirto, dadka halkan u jooga midnimada xubno kama lahan. Su'aasheydu waxay tahay yaa nagu metela, waa ayo cida noo heshiineysa? Heshiis ma jiree waa naloo heshiiyey".

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ayuu ku eedeeyay in uusan aqoonsaneyn Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah isla markaana uu "caadeystay jebinta dastuurka ku meelgaarka ah isaga oo eegaya dano siyaasadeed iyo shaqsi ahaan uu ka helayo macaash dhanka siyaasada".

Dhanka kale, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa rumeysan in talaabadda Villa Soomaaliya ay uga saartay shirkii Baydhabo ay tahay "waran lagu suray halbowlaha midnimada Soomaaliya iyo Somaliland".

Isaga oo ka digay in siyaasiyiinta gobolada waqooyi "la duudsiiyo xuquuqdooda," Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa taageeray banaanbaxa loo balansan yahay Jimcaha todobaadkan kaasoo uu ku qeexay mid cadaadiska ku kordhinaya hogaanka dowladda ee waqtiga ka dhamaadey.

Mudaaharaadkaas ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda ayna goobta ka jeediyaan khudbado ay ku weerarayaan madaxda dowladda federaalka ah si gaar ah Farmaajo kuna dalbanayaan in doorashada noqoto mid hufan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM