Cabdi Xaashi oo eedeeyay madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn kala dul-dhacay madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa kasii dhamaanayo "in uusan aqoonsaneyn federaalka, Somaliland iyo Golaha Senate-ka".

Madaxweyne Farmaajo ma aqoonsana federaalka, Aqalka Sare iyo in ay Somaliland ka maqan tahay. Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxaan u sheegayaa arrinta halka ay ka quransan tahay halkaas weye," ayuu yiri.

Dhanka kale, siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in aan loo dhameyn wadahadalada ka furmay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayay ka dhawaajiyeen inuu ku wargeliyey Cabdi Xaashi in uusan kasoo qeybgeli karin shirka maadaama uusan kamid ahayn dhinacyadda la marti-qaadey.

Shirwayne looga arrin-sanayo qadiyadaha la isku hayo ee arrimaha doorashooyinka ayay ku baaqeen wallow aysan muddeyn goobta iyo goobta uu qabsoomayo shirkaas.

Gudoomiye Xaashi ayaa todobaadkan wuxuu warqad u diray Qoorqoor isaga oo ku wargeliyey in uu kasoo qeybgalayo shirkaas uu 31-dii iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobka khuseeya siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee kamid ah arrimaha la isku hayo wuxuu yahay xulista wakiilada Somaliland ee baarlamaanka oo Villa Soomaaliya qorsheyneyso "in ay boobto".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM