Cabdi Xaashi oo eedeeyay madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn kala dul-dhacay madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa kasii dhamaanayo "in uusan aqoonsaneyn federaalka, Somaliland iyo Golaha Senate-ka".

Madaxweyne Farmaajo ma aqoonsana federaalka, Aqalka Sare iyo in ay Somaliland ka maqan tahay. Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxaan u sheegayaa arrinta halka ay ka quransan tahay halkaas weye," ayuu yiri.

Dhanka kale, siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada waqooyi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in aan loo dhameyn wadahadalada ka furmay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayay ka dhawaajiyeen inuu ku wargeliyey Cabdi Xaashi in uusan kasoo qeybgeli karin shirka maadaama uusan kamid ahayn dhinacyadda la marti-qaadey.

Shirwayne looga arrin-sanayo qadiyadaha la isku hayo ee arrimaha doorashooyinka ayay ku baaqeen wallow aysan muddeyn goobta iyo goobta uu qabsoomayo shirkaas.

Gudoomiye Xaashi ayaa todobaadkan wuxuu warqad u diray Qoorqoor isaga oo ku wargeliyey in uu kasoo qeybgalayo shirkaas uu 31-dii iclaamiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobka khuseeya siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee kamid ah arrimaha la isku hayo wuxuu yahay xulista wakiilada Somaliland ee baarlamaanka oo Villa Soomaaliya qorsheyneyso "in ay boobto".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM