Cabdi Xaashi oo ganafka ku dhuftay warar laga faafiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in heshiis laga gaarey guddiga doorashada wakiilada Somaliland.

Xaashi oo u waramay barnaamijka Xog-wareysi ee Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wadahadaladii Garowe la isla qaatay in siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay wadaxaajoodyo ka yeesheen khilaafka jira.

Balse wuxuu qashinka ku daray warbixinadda tibaaxaya in saami laga siiyey xubnaha kamid noqonaya guddiga soo xulaya mudaneyaasha Somaliland.

"Waxaan maqlay warar sheegaya in afar xubnood la iga siiyey guddiga doorashooyinka waa waxba kama jiraan mana aqaano meesha ay ka keeneen," ayuu Xaashi yiri. "Waxaana la waydiinayaan ciddii kalkii hore sheegtay".

Dhawaqa Xaashi ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in wadaxaajoodyadii uu Garowe kula yeeshay ra'iisul wasaare ku xigeenka la isla qaatay heshiis lagu soo afjarayo is-mari-waaga culus ee taagan.

Dhanka kale, Xaashi ayaa xaqiijiyey in aysan jirin kulan illaa haatan ay wali siyaasiyiinta gobolada waqooyi ka yeesheen xalinta is-qabqabsiga guddiga doorashadda.

Qodobada kala ah; guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, habraaca xulista wakiialdda Somaliland iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo ayaa ah xudunta is-mari-waaga hogaanka waddanka iyo dhinacyadda kasoo horjeeda.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa haatan wada dedaalo xal loogu goobayo khilaafka ka taagan arrimahaan, waxaana caasimadda Garowe ka socda wadahadalo ujeedkoodu yahay in lagu dhameeyo arrintan kahor 8-da Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM