Cabdi Xaashi oo ku gacan-seyray go'aankii xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa qoraal kasoo saarey go'aankii dowladda ku shaacisay in ay ku qabaneyso doorasho hal dhinac ah.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qashinka ku daray sheegashada madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ee ahayd in ay "jawaab ka waayeen dhinacii cabashadda ka muujiyey coddeynta".

Senator Xaashi ayaa carabka ku dhuftay in aan lagu soo celin jawaab ay tanaasul ku jirto. Qoor-qoor ayaa Muqdisho ka sheegay in madaxda dowladda federaalka ay tanaasul ka muujiyeen khilaafka taagan.

"Shirkii Garowe kadib ma jirto cid noola timid wadahadal ama heshiis," ayuu Xaashi ku yiri qoraalkiisa uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online xafiiskiisa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble ayuu ku eedeeyay in ay diidan yihiin wadahadal isla markaana "ay go'aansadeen in ay sii kala qeybiyaan waddanka, bulshadda iyo maamul goboleedyadda".

Xaashi oo doonaya in uu maamulo doorashada Xildhibaanadda gobolada waqooyi ayaa cod dheer wuxuu kaga digay "cawaaqib xumo k adhalan karta qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn".

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay waxay ku dhawaaqdey in ay hirgelineyso doorashooyinka ayadda oo khilaaf ka jiro; qadiyada gobolka Gedo, xulista wakiialda Somaliland iyo guddiyada.

Hoos ka akhriso qoraalka Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM