Cabdi Xaashi oo laga raali geliyay Qalad ay AMISOM ka gashay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, Francisco Madeira, ayaa kulan la qaatay Guddoonka Gollaha Aqalka Sare ee BFS.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Muqdisho, Xalane, ayaa waxaa aka qeybagalay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku xigeenadiisa,a sida Abshiar Bukhaaari.

Inta uu socday shirkooda waxaa leysla soo qaaday arrimo ku saabsan xiriirka Aqalka sare iyo AMISOM, amaanka Gollaha iyo falkii ay Askar katirsan AMISOM is hortaag ugu saameeyeen bishii hore Cabdi Xaashi xilli uu aka duulayay Garoonka Muqdisho.

Ugu dambeyn, Francisco Madeira, ayaa si rasmi ah u sheegay in Howlgalka AMISOM uu raalli gelin ka bixiyay falkaas, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo xog ogaal u ahaa kulanka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka aqbalay raali gelinta AMISOM, isagaoo sheegay inay muhiim in la la xoojiyo wadashaqeynta Aqalka Sare iyo howlgalka Midowaga Africa, oo ku saabsan dhanka amaanka.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray xiriirka dhex-mari kara labadda dhinac, iyo waliba dalab horey uga yimid Guddoonka Aqalka Sare, kaasoo ahaa in xarunta Gollaha uu ku shiro la geeyo ciidamo AMISOM ka socda.

Bishii la soo dhaafay ee May, ayay ahayd markii Ciidanka AMISOM ay Garoonka Aadan Cadde ku xannibeen muddo ku dhawaad hal saac Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyo xubno kale xilli ay ku wajahnaayeen dalka Kenya.

Cabdi Xaashi ayaa lagu celiyay Irida "Madina Gate" oo loo diiday in isaga iyo gaarigiisa ay halkaasi ka gudabaan, waxayna Ciidamada u sheegeen in aan amar lagu siinin inay halkaasi ka gudbaan qof aan ahayn Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM