Cabdi Xaashi oo warbixin siiyay Guddiga joogtada Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku yeeshay mid kamid ah Fadhiyadooda, kaasi oo ay soo xaadireen inta badan Senatarada.

Kulanka qaybtii 1aad waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo siiyay Mudanayaasha warbixin ku saabsan safari uu ku kala bixiyay magaalada Kismaayo iyo dalka Turkiga.

Socdaalkiisa caasimad goboleedka Jubbada Hoose, oo uu kula soo kulmay Madaxda kala duwan Jubbaland ayaa dabranaa khilaafka maamulada iyo dowladda dhexe oo umuuqda mid hadalheyntiisu yaraatay.

Booqashadiisa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ayuu kaga qaybgalay shir looga hadlay go’aankii uu Madaxwayne Mareykanka, Donald Trump ka qaatay magaalada Qudus, oo uu ku wareejiyay Yahuuda.

Qaybihii ugu dambeeyay ee shirka, waxaa shir gudoomiyay Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, kaasi oo sii anbaqaaday qodobadda kale ee kulankooda ay ku jee-jeexeen.

Habdhowraha Aqalka Sarre, Cabdikaafi Macalin Xassan, oo war-fidiyeenka la wadaagay natiijada shirkooda ayaa afka ku balaariyay inuu siiyey Gudoomiyuhu warbixin dhameystiran oo socdaalkiisa saabsan.

Xasan ayaa intaas ku daray in Ajandayaasha kale ee shirkooda ay kusoo qaadaan ay kamid tahay ansixinta hadal qoraalkii Fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee Aqalka Sare.

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo aanan indhawaanahaan yeelan wax kulan ah ayaa la rajaynayaa inay Fadhiyadooda caadiga ah ay dib ubilabaan, kuwaasi oo ka tirsan Kal-fadhiga 4aad oo ay ku guda jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM