Cabdirashiid Janan oo "dib ugu laabtey" magaaladda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan], ayaa waxaa lagu waramayaa in uu dib ugu laabtey Kismaayo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaas.

Janan ayaa waxaa la sheegay in uu subaxnimadii Isniinta uu kasoo baxay degmada Mandera ee waddanka Kenya.

Ma cadda halka uu kaga sugnaa magaalada xuduudka ku taala, wallow wararku sheegayaan in uu joogay saldhig ciidan, halka kuwa kale ay ku qeexayaan guri uu isagu si gaar ah u kireystay.

Talaabada uu Janan kaga soo hayaamay Mandera ayaa kusoo aadeysa kadib markii ay wadahadalo ay yeesheen madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo isku balansadey wadaxaajoodyo toos ah.

Janan ayaa bishii Janaayo la wariyey in uu kasoo baxsadey Muqdisho. Maalmo kadib fakashadiisa waxaa lagu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo kaga soo gudbay caasimada Kenya ee Nairobi.

Kadib wuxuu tegay Beledxaawo, halkaasoo uu maalmo ku qaatay kahor inta uusan u sii talaabin Mandera oo deris la ah magaaladdaas.

Dowladda Soomaaliya oo doondooneysa Janan ayaa sheegtay in uu geystay dambiyo culus, wallow isaga uu arrintaas ku qeexay "mid siyaasadeysan" oo wax loogu dhimayo sumcadiisa.

Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaanan lahayn xiriir wanaagsan, waxaana hogaanka dowlada federaalka lagu eedeeyay in ay diideen wadahadalo ay la galaan maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM