Janan oo la sheegay in uu ka goostay Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] ayaa la sheegay ka goostey Villa Soomaaliya shalay galab isla markaana uu ku sugan yahay gudaha magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararbixno laga helayo dhinacyo kala duwan ayaa waxay tilmaamayaan in habeenimadii xalay ku hoydey guri kamid ah guryaha musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya u tartamaya.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Janan ku wajahan yahay gobolka Gedo halkaas oo uu rabo inuu u tartamo xildhibaan Aqalka Hoose.

Janan iyo Farmaajo ayaa xogo lagu kalsoon yahay waxay xusayaan iney isku fahmi waayeen qodobo horey ay ugu heshiiyeen kuwaas oo  madaxweynaha xilku ka dhamaadey kaga baxey.

Wasiirkii hore ee ammaanka Jubaland oo muddo sadex goor ka badan u kala baxsdey Jubaland iyo Villa Soamaaliya ayaa loo haystaa inuu xadgudubyo dhinaca bini’aadanka ka gaystey gobolka Gedo.

Kahor inta uusan dhowaan dib ugu soo laaban magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Janan ayaa lagu waramay in uu howla caafimaad u aadey dalka Turkiga halkaasoo uu ku sugnaa bilooyinkii lasoo dhaafay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa horey ugu eedeyey Faarmajo inuu cafis u fidiyey shaqsi xadgudubyo dhinaca bini’aadnimada ah gaystey isla markaana uu baacsanayo saraakiil ciidan kale oo aan waxba geysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM