Cabdirashiid Xidig oo weerar afka ah ku qaadey Xildhibaan Jeesow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdirashiid Xidig, mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa murashaxiinta doorashadii Jubaland, ayaa weerar afka ah ku qaadey dhigiisa Daahir Aamiin Jeesow.

Xidig ayaa bartilmaameedsigaan sameeyay xilli la hor-dhigay in uu ka jawaabo dalab uu Jeesow u gudbiyey Villa Soomaaliya oo ahaa in ay xabsi u taxaabaan madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.

Sharci-dejiye Jeesow ayaa kamid ah mudaneyaasha xiriirka dhow la leh dowladda waqtiga uu kasii dhacayo ee uu hogaamiyo Farmaajo.

Siyaasi Cabdirashiid Xidig oo kamid ah wafdiga Axmed Madoobe ee caasimada Muqdisho ku sugan ayaa dhegaha shacabka dib u xusuusiyey hadalo kasoo yeeray Jeesow kaasoo dood xoogan dhaliyey sanado kahor.

"Jeesow dariiqyada in ay isaga darsamaan ma ahan. Taariikhda Jeesow waxay ahayd in uu isaga dhuunto saxaafada iyo meelaha bulshada isugu timaado, in uu meel public ah ka hadlo meel ka dhac bey ku tahay Ummadda Soomaaliyeed iyo Islaamka oo dhan; inagoo og in uu shaqsiyan taageeray wax aan Diinta Islaamka ku habooneyn oo ah in dadka isku jinsiga ah ay xitaa is-guursan karaan," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Somali Cable.

Wuxuu ku daray: "Jeesow si aan aniga ugu jawaabo ma aqaano, sababtoo ah bulshada waa laba qeybood jinsigoodu; Lab iyo Dhedig".

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan wararka xusaya in codadkaas ay ahaayeen kuwa lasoo jarjaray: "Walaahi hadey tahay iyo hadii aysan ahaynba, waxaan meesha ku aragnay waxay ahayd; qofka markuu nin yahay sidda loogu jawaabo waa la yaqaanaa siduu yahay, markuu dumar yahayna waa la yaqaanaa laakiin, meel u dhaxeysa sida loogu jawaabo aniga ma aqaano".

Xilli uu si toos ah u wajahay qiilka uu Jeesow u cuskaday xiritaanka Axmed Madoobe oo ahaa in ay tabasho beeleedyo badan, Xidig ayaa eedeyntaas ku qeexay "mid laga badbadinayo oo salka ku haysa naceyb".

"Ma dhahayo beelaha tabanaya waxba kama jirto cabashadooda, hadana in qolo gaar ah la yiraahdo uma qalanto in ay meesha joogto waa naceyb gooni ah," ayuu ku adkeystay, isagoo u muuqda mid garab istaagaya Axmed.

Villa Soomaaliya ayaa horey Muqdisho ugu xirtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland kaasoo bilooyin kadib ka baxsaday jeelka. Warar baa jira oo tibaaxaya in ay isku dayday in ay xorriyada ka qaado Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM