Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in baarlamaanku qaato go'aanno aan lagu heshiin

Image
Siyaasiga mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in go’aamada ka soo baxaya golaha ay noqdaan kuwoo waaqica ku dhisan.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa si weyn u dhaliilay wax ka beddelka lagu sameynayo dastuurka.

Siyaasiga mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in go’aamada ka soo baxaya golaha ay noqdaan kuwoo waaqica ku dhisan, isla markaana soo jeediyay in maamulada ka dhisan dalka & siyaasiyiinta ay ka qeyb noqdaan wadahadallada ku saabsan dastuurka.

Cabdishakuur ayaa si adag uga horyimid in shaqda Dastuurka lagu soo koobo oo kaliya Baarlamaanka isaga oo carrabka ku dhuftay in ay jiraan go’aamo dhowr ah oo uu golaha soo saaray isla markaana aan fulin, sababo la xiriira inaan wadar-ogol lagu ansixin loona dhamayn.

Wuxuu intaas raaciyay: “Dhamaanteen waxaan rabnaa doorasho qof & cod ah, dhamaanteen waxaan rabnaa in madaxda Dowlad-Gobolada aysan ku takrifalin awoodda uu dastuurka siiyay, Laakin Sidee?”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aanay ka jirin Dastuur la’aan balse la daala dhacaysa laba arrimood oo kala ah in aan lagu dhaqmin Dastuurka iyo in awoodda fulinta aanay ku jirin gacanta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM