Cabdisaciid: Talada saxda ah waa in la badalo Mukhtaar Roobow

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya ayaa naqdiyey amar kasoo baxay Wasaaradda Diinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhaleeceeyay amarka Wasaaradda Diinta ku joojisay in Al-Shabaab loogu yeero magac aan ahayn Khawaariij.

Lataliyihii hore ee amniga qaranka oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa go'aankaas wuxuu ku sifeeyay mid baalmarsan Sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka.

Sida laga soo xigtey Cali, Wasaaradda Arrimaha Aqwaafta iyo Diinta xukuumadda federaalka ah "waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka AS, talada saxda ahna waa in isaga la badalaa".

"Dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta Waa habdhaqan lagu yaqaan Al Shabaab. Wasaarada Arr.Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka AS. Talada saxda ah Waa in asaga la badalaa oo dawladnimada la baro iyo Ku shaqaynta sharciga," ayuu ku daabacay boggiisa

Wuxuu raaciyey: "Sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka lagama hor istaagi karo. Go’aanada wasaarada Diinta waa waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey Waa AL Shabaab ee la qabso".

"Wasaaradaha ay hoggaamiyaan rag horey uga tirsanaa AL Shabaab Waa in la fahansiiyo nidaamka dawladnimada iyo go’aanada Xukuumada qaabka loo maro hadana loo faafiyo. Xuquuqaha aasaasiga ah si fudud looma badali karo. Dawladnimada maaha inkiraad & aarsi kooxdaadii hore," ayuu hoosta ka xariiqay.

Amarka dowladda federaalka ku joojisay in adeegsiga magaca Al-Shabaab ayaa qeyb ka ah olole saddex geesoodka ah oo ay dooneyso in ay Al-Shabaab kaga adkaato milatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaanba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM