Cabdulqaadir Muumin: Amiirka guud ee ISIL oo kasoo ifbaxay Soomaaliya

Image
Sirdoonka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in duqeyn ay la beegsadeen horjoogahan dhuumaaleysanaya.

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa dhowr sano waxa ay si cad u sheegtay Cabdulqaadir Muumin in uu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, balse markan laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in sanadkii hore uu si aamusnaan ah u noqday hoggaamiyaha guud ee "kooxda argagixisada ah".

Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Daacishta Soomaaliya ay aad u yar tahay, ayna ka kooban yihiin 100 illaa 200 oo dagaalyahanno ah, kuwaasoo dhammaantood ku sugan waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in kooxda Daacish ee Soomaaliya ka dagaalanta ay siyaabo gaar ah ugu shaqeeyaan si ka waxtar badan marka loo eego shabakadaha kale ee argagixsada ee ka howlgala gudaha dalka oo ay ka mid yihiin in ay ka baxsadaan FBI-da iyo Interpol iyaga oo adeegsanaya xeeladahooda, farsamooyinkooda iyo habraacyadooda, sida maalgelinta.

Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaca ka dhigay in Muumin uu ahaa bartilmaameedka duqeyn ay meel 81 KM u jirta Boosaaso la fuliyeen bishii hore kaas oo ay ku dileen saddex dagaalame ISIL ah.

Mareykanka ayaa sheegay in Muumin uu mas’uul ka yahay weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dil sannadkii 2019-kii lagu dilay mas’uul ka tirsanaa hay’adda garsoorka gurigiisa iyo qabsashadii 2016-kii ee magaalo ka tirsan maamulka Puntland.

Sannadkii 2016-kii, Maraykanku waxa uu ku dhawaaqay in Muumin uu yahay Argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyey, isagoo sheegay inuu khatar weyn ku yahay inuu sameeyo falal argagixisanimo oo khatar ku ah amniga muwaadiniinta Maraykanka ama amniga qaranka, siyaasadda arrimaha dibadda ama dhaqaalaha Maraykanka.

In Muumin uu la wareegay xilka madaxii ugu dambeeyay ee Daacish ayaan si weyn loo ogayn, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah. Waxa uu bedelay Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022.

Labadii madax ee hore ee caalamiga ahaa ee Daacish, oo uu ku jiro hoggaamiyihii ugu caansanaa, Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa is dilay markii ay beegsadeen ciidamada Mareykanka isaga oo ku sugan meel kamid ah hoygiisa waxaana is-miidaamintaas kula geeriyootay labo kamid ah caruurtiisa, sidda sirdoonka uu sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM